Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha dalka u diray Mooshinkii ku saabsanaa heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland ee Berbera.
Guddoonka Baarlamaanka oo qoraal dheer ku lifaaqay mooshin ay xildhibaanada Baarlamaanka ka keeneen heshiis Imaaraadku la galay maamulka Somaliland oo saldhig milateri laga siiyay magaalada Berbera ayaa ka dalbaday madaxtooyada iyo xukuumadda inay caddeeyeen mowqifkooda.
Qoraalka oo horaantii bishan la gaarsiiyay xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa laga sugayaa jawaab, iyadoo ay xaalad ah soo wajahday labada Gole oo muddo dheer ka aamusnaa heshiiskan oo muran dhaliyay.
Waxaa la aamisan yahay in heshiis qarsoodi ah madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku ogolaaday heshiiska socdaalkii uu ku tegay Imaaraadka, waxaase hadda dib u soo noolaaday Mooshinkan oo noqon doona tijaabadii ugu weyneyd ee hortaalla wadaniyadda Farmaajo.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDOONKA BAARLAMAANKA IYO MOOSHINKA