Sunday, July 13, 2025

Guddoomiye Jawaari oo Qoraal ka nixiyey Cildhibaannada Mooshinka Wada u diray Beesha Caalamka [Akhriso]

Wararka laga helyo xafiiska Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qoraal culus uu guddoomiye Jawaari u kala diray wakiilada Beesha Caalamka, kaasoo naxdin ku noqday xildhibaannada wada mooshinka iyo taageerayaashooda.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ku faahfaahiyey xaaladda ka taagan Baarlamaanka Federaalka iyo faragelin uu sheegay inay ku sameysay xukuumadda Soomaaliya oo ay kula wareegtay xaruntii Golaha sharci dejinta, kadib markii ay ka saartay ciidamadii ilaalada ka ahaa.

Qoraalka Guddoomiya Jawaari ayaa lagu caddeeyay inuu u hogaansamayo Mooshinka laga keenay, balse ay tahay in Dooda Mooshinka iyo codeynta ay ku dhacaan 10 maalmood gudahood iyo in lagu qabto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Teendadhii lagu doortay madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay goobjoog ka yihiin wakiilada beesha caalamka, ammaankana ay sugayaan AMISOM.

Xildhibaannada Mooshinka ka wada Jawaari ayaa dadaal ugu jiray arrimo dhowr ah oo cadaadis lagu saarayey, waxayna hadda u muuqataa in dagaalka mooshinku sii socon doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON