Monday, June 23, 2025

Guddoomiye Jawaari oo shaaciyey Sababtii loo hakiyey shirkii Baarlamaanka ee Maanta [Shir Jaraa’id]

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Bararlaamnka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa faahfaahin ka bixiyey shirka la hakiyey ee Baarlamaanka yeelan lahaa maanta.

Shir Jaraa’id oo uu goor dhow qabtay auua sheegay in kulankii Golaha Shacabka in codsi uga yimid madaxweyne Maxamed C/llaahi Afarmaajo oo ahaa in maanta la hakiyo kulanka Baarlamaanka ay aqbaleen Guddoonka Baarlamaanka, kadib markii xaaladda ay ka doodeen guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in kulankii maanta dhici lahaa loo hakiyey si xiisadda iyo khilaafka ka dhex jira xildhibaannada Baarlamaanka xal loogu helo, isagoo sheegay inay ogolaadeen in wadahadal laga furo xaaladda jirta la isuna tanaasulo, si shacabka loog turo wixii khilaaf ah ee jira.

Xildhibaannada Golaha shacabka ayuu ka codsaday inay la qaateen waanwaanta uu madaxweynaha soo jeediyey isla markaana xaaladda si degan oo xilkasnimo leh lagu dhammeeyo.

“Waa inaan ku dadaalno wadajirka iyo midnimada Baarlamaanka oo ah saldhigga dowladnimada” ayuu yiri guddoomiye Jawaari oo caddeeyay in guddoonka Baarlamaanka ay ka wada shaqeyn doonaan sidii xaaladda si degan loogu dhammeyn lahaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON