Guddoomiye ku xigeenka labaad Ee Baarlamaanka Galmudug Maxamed Aadan Maalin ayaa sheegay in ciidamo taabacsan Axmed Ducaale Geelle Xaaf ay rasaas ku fureen Gaari uu la socday, naftiisana halis geliyeen.
Wuxuu sheegay Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Galmudug inay u diideen inuu ka baxo Madaxtooyada xilli uu doonayay inuu dano uu lahaa u aado magaalada, iyadoo Gaari uu la soday ay rasaas u fureen Ciidamada Madaxtooyada Galmudug ku sugan ee Xaaf taageersan.
Maxamed Aaden ayaa sheegay in gaarigiisa ay lugaha ka banjariyeen, isla markaana halis gashay naftiisa, laguna qasbay inuu ku laabto xarunta madaxtooyada. Waxaa koo xabsi guri ku jira weli madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo iyaguna aan ka bixi karin xarunta madaxtooyada muddo ka badan 3 toddobaad.
DHAGEYSO WAREYSI