Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Sayid Cali Sheekh Maxamed ayaa jawaab ka bixiyey xil ka qaadis lagu sameeyay iyo eedeyn loo jeediyey, wuxuuna sharci darro ku tilmaamay tallaabadaasi.
Sayid Cali Sheekh Maxamed ayaa sheegay in xubnaha sheegay inay xil ka qaadis ku sameeyaan oo ay horjoogto u tahay Xaliimo yarey, wuxuuna caddeeyay in xubnaha Guddiga Doorashooyinka ay qof qof ugu codeeyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xaliimo Yarey ayuu ku eedeeyay inay dhex fadhido fashil, wuxuuna shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in ujeedooyin gaara ay u adeegsato, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey in guddiga dhexdiisa uu ka jiro khilaaf xargaha goostay.
Guddiga Doorashooyinka ayuu sheegay inuu ka kooban yahay 9 xubnood ayna qoraalka soo saareen 6 ka mida, taasoo muujineysa khilaafka ka jira Guddiga, wuxuuna guddoomiyaha Guddiga ku eedeeyay inay la wareegtay awoodii guddiga oo dhan.
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka Sayid Cali Sheekh Maxamed ayaa sheegay inay guddoomiyaha Guddiga ka dhigatay guddiga dukaan ay iyadu leedahay, ayna ku sifowday musuq iyo eex, iyadoo warbixino ay ka qoreen hay’adaha USAID iyo Creative.
Sayid Cali Sheekh Maxamed ayaa sheegay inuu hortegi doono Baarlamaanka isagoo faahfaahin doona waxa ka dhex socda Guddiga Doorashooyinka.
HOOS KA DHAGEYSO