Monday, July 14, 2025

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug oo xabsi Guri la geliyay

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Baarlamaanka Galmudug lagu xayiray magaalada Cadaado.

Qaar ka mida xildhibaanadii xilka ka qaaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa sheegay in Guddoomiye ku xigeenka labaad Maxamed Aadan Macalin laga dhigay Xabsi guri loona diiday inuu ka baxo shalay.

Waxaa arrintan lagu eedeeyay ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Galmudug inay  falkan kula kaceen Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug , iyadoo ay hore xaalad ammaan magaalada ugu xayirnaayeen guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON