Kulan ay magaalada Cadaado maana ku yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa xilkii looga qaaday guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Xareed Cali Xareed, markii mooshin laga gudbiyey.
Kulanka oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa looga dooday mooshinka guddoomiye ku xigeenka, iyadoo la sheegay in 48 xildhibaan oo fadhiyey ay isku raaceen xilka laga qaado Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug.
Guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa sheegay inay guddi doorasho u qabteen xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, iyadoo doorashada madaxweynaha Galmudug ay ka dhaceyso dhowaan Cadaado.
Maamulka Galmudug oo laba qeybdood u kala jabay kuna kala shiran magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa ku dhaqaaqay xil ka qaadis madaxda sare ee maamulkaasi ee khilaafku ka dhaxeeyo, waxaana maamulkaasi qarka u saaran yahay inuu laba madaxweyne yeesho.