Wararka naga soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle dhaawac soo gaaray.
Guddoomiye ku xigeenka haweeneyda lagu magacaabo Canab C/llaahi Ciise ayaa la sheegayin inay ku dhaawacantay shil oo saaka ka dhacay tuuulada Boorow ee duleedka magaalada Jowhar, kadib markii gaari ay la socotay uu qalibmay.
Dhaawaca Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa la sheegay inuu yahya mid fudud, waxaase burbur wen soo gaaray gaarigii ay la socotay, iyadoo ku socotay magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegay in Marwo Canab dib loogu celiyay Isbitaalka magaalada Jowhar, halkaasoo lagu daweynayo.
Goobjooge.com