Monday, July 7, 2025

Guddoomiye Maxamed Mursal oo ka hadlay Sida Darawalkiisii ugu biiray Alshabaab

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay Darawalkiisa oo ku biiray Alshabaab, kaasoo cod laga duubay lagu baahiyay Baraha bulshada.

Ninkan oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed Xasan ayaa muddo Afar sanno darawal u ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, wuxuuna ka mid ahaa Darawaliin loo tababaray gaadiid ay lahayd Wasaaradda Gaashaandhigga, kadibna uu noqday Darawalka gaarka ah ee Guddoomiye Mursal.

Wuxuu Guddoomiye Mursal sheegay inuusan aaminsaneyn in ninkaasi uu Alshabaab u aaday inay ka fiican tahay dowladda, balse aan laheynin sababta keentay inuu Alshabaab aado, balse arrintaasi laga rabo inay warbixin ka keenaan Hay’adaha Amniga.

Wuxuu intaas ku daray in markii uu xilka ka degay uu ka mid ahaa shaqaalihii lasoo wareegay ee Darawalka u ah, ayna is moog yihiin muddo 4 bilood ka badan, haddana uu ku sugan yahay dalka dibaddiisa.

”Waan dhageestay codka Xuseen ee isku dhiibay Al Shabaab, ninkan waxa uu kamid ahaa koox darawalnimo lagu barayay wasaaradda gaashaandhigga halkaas ayuuna iga soo raacay, muddo afar sanno ayuuna darawal ii ahaa, isaga oo ila jooga ayaana ogaa, ma aqaan waxa ku kalifay in Al Shabaab isku dhiibo, aan u deyno Hay’adaha baarista” ayuu yiri guddoomiye Mursal oo u warramay idaacadda VOA.

Arrintan ayaa si weyn loogu hadal hayay Baraha bulshada, waxayna noqotay wax lala yaabo sida darawal mid ka mida madaxdii ugu sareysay dalka uu xilligan ugu biiray Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON