Guddoomiye Mursal: “Aniga & Lafta_gareen oo isla jirna haddii Mukhtaar aan soo deyn weyno..” [DHAGEYSO]

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa maanta magaalada Baydhaba kula kulmay Odayaasha, Dhalinyarada, Waxgaradka, Haweenka, Culimaada, iyo Xillibaanadda Kasoo Jeeda Beesha uu ka dhashay Mukhtaar Roobow.

Odayashaa ayaa guddoomiye Mursal ka dalbaday in lasoo daayo oo xoriyadiisa dib loogu soo celiyo Sheekh Muqtaar, halkaasoo ay ka bilaaban karto dib u heshiisiinta ay wadaan, iyagoo sidoo kale ka hadlay dembiyadi ka dhacay magaalada Baydhaba iyo dadkii ay ciidamada dowladda ku dileen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa dhinaciisa u jeediyey odayaasha balanqaad ku sabasan inuu si degdeg qax uga qaban doono arrinta xariga Mukhtaar Roobow, isla markaana isaga iyo madaxweyne C/casiis Lafta-gareen ka shaqeynayaan sidoo loo sii deyn lahaa.

Ad

“Waxaan idin balan qaadayaa in xoriyadiisa uu heli doono Mukhtaar Roobow, arrintaas intaan soo bixin ayaan ka wadahadalnay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, taasina waan idinkugu bishaareynay.. Waad ogtihiin anigu waan ka hadlay in Mukhtaar Roobow la mid yahay Musharixiinta kale, farahana laga qaado.. Xitaa Waxaan dalbaday in doorashada dib loo dhigo.. xaalad walboo Mukhtaar lagula dhaqmay aniga raali kama aheyn,  waxaan idin balanqaadayaa in Mukhtaar uu bannaanka soo bixi doono.. Aniga iyo C/cassiis oo isla jirna haddii Mukhtaar aan soo deyn weyno.. kuraasta aan fadhinaa ..”  Ayuu yiri Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya.

HOOS KA DHAGEYSO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

120,969FansLike
799FollowersFollow
2,974FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!