Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Federaalka C/weli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa soo saaray qoraal ka kooban 7 Qodob oo ay ku sheegeen inay ku maareynayaan khilaafka Golaha Shacabka.
Qoraalka waxaa saxaafadda u akhriyey Guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa ujeedka ugu weyn uu yahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka awoodiisii meesha laga saaro oo aanu go’aan gaari karin iyadoo aanay la qaadan ku xigeenadiisa, isla markaana aan la qaban karin wax kulan ah inta laga xalinayo khilaafka guddoonka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA

