Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa hormuud u noqday ololaha lagu doonayo in xilka looga qaado Ra’isal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, iyadoo qaar kamida xildhibaannada ay la yaabeen markii ay arkeen doorka la yaabka leh uu ka qaadanayo khilaafka ka dhex taagan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Gen. Muungaab ayaa xalay la xaqiijiyay inuu gacantiisa ku bixinayay lacagaha laaluushka ah ee la siinayay xidlhibaanada saxiixaya mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaare C/weli, wuxuuna fadhi ka dhigtay Hotelka Centrale ee Muqdisho. Arirntan ayaa ah mid aan laga fileyn guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhowaan si weyn uga qeylo dhaamiyay faragelin ay ku heyso wasaaradda maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan kasta wuxuu helayaa lacag dhan $3000 si uu u saxiixo mooshinka iyadoo xaqiijin iyo caddeyn uu dhiibayo, kadibna wuxuu mudan doonaa in la siiyo $2000 marka xilka laga tuuro ra’iisal wasaaraha. Lama oga waxa ku qasbay Gen. Xasan Muungaab inuu doorkan aan qarsooneyn ku yeesho kilaafka xukuumadda dhexe, waxayna wararka qaadkood sheegayaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh u xil saaray howshan.
Goobjooge Info
Muqdisho