Shaqaalaha Gobolka Banaadir ayaa welwel kasoo wajahay mustaqabalkooda shaqo kadib markii la sheegay in guddi dabagal uu sameeyay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir.
Guddigan ayaa baaritaan ku sameynaya agaasimeyaasha iyo shaqaalaha u qoran maamulka Gobolka Banaadir iyo shaqooynika ay qabtaan, iyagoo bilaabay in kulamo la yeeshaan agaasimeyaaha waaxyaha gobolka.
Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in xilalka laga qaado intooda badan, waxaana socda qorshe maamulka cusub doonayo inuu guddoomiyeyaal cusub ku magacaabo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Axmed oo saameyn ku lahaa xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiye ku xigeenadii Gobolka ayaa lagu xusuustaa inuu shaqaalihii ugu badnaa shaqada ka eryay xilligii uu agaasime ku xigeenka ka ahaa Madaxtooyada Soomaaliya dowladii Xasan Sheekh.
Gobolka Banaadir ayaa leh agaasimeyaasha ugu tirada badan oo qaarkood aanay xafiisyo lahayn iyo shaqaalaha fara badan oo qaarkood aanay soo xaadirin, waxaana xarunta gobolka laga dareemay inay buux dhaafiyeen shaqaale ka welwelsan inay waayaan shaqada.
Goobjooge.com