Guddoomiyaha G/Banaadir ee xilka banneynaya Taabit Cabdi Maxamed ayaa si weyn uga mahadceliyay xafladii sagootinta ahayd ee ay xalay u sameeyeen saxafiyiinta magaalada Muqdisho.
“Waxaan ka mahadcelinayaa Xafladdii Sagootinta oo ay xalay igu sharfeen Bahda Saxaafadda ee Muqdisho. Waxay aheyd munaasabad qiima badan oo dareen gaar igu abuurtay. Waxaan uga mahadcelinayaa mudadii aan soo wada shaqeynay iyo sidii ay Bahda Saxaaafadda u garab istaageen Muqdishaawiyiinta waqtiyadii adkaa iyo kuwii farxadda lahaaba. Waxaan sidookale ka mahadcelinayaa hadiyadihii qiimaha badnaa oo ay si karaama leh ii guddoonsiiyeen…” ayuu yiri Taabit oo farriin mahadcelin ah soo diray.
Wuxuu sheegay inuu ahda Saxaafadda Muqdisho kula dardaarmay inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha G/Benaadir Ahna Duqa Magaalada cusub Mudane Eng. Abdirahman Omar Osman “Yarisow” si uu ugu guuleysto hawlaha horyaalla.
“Inshallahu wanaagga waan sii wada doonaa sababtoo ah “XILKU WAA MEERTO BALSE NIYAD-WANAAGGA & NAXARIISTU MA AHAN MEERTO” ayuuna farriintiisa ku soo afjaray.