Thursday, July 3, 2025

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia oo la kulmay Madaxweyanha Jabuuti

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa socdaal wadajir ah ku jooga dalka Jabuuti, waxayna maanta Qasriga madaxtoyada magaalada Djibouti kulan kula yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, kaalinta dowladda Jabuuti ee nabadda Somalia iyo xaaladda dalka; waxayna sidoo kale Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi isla maanta la kulmeen Guddoomiyaha Barlamaanka jabuuti Mudane Maxamed Cali Maxamed.

Socdaalka Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya kadib booqasho kale oo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo dhowaan ku tegay dalka Jabuuti.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON