Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalkaasi Teklewold Atinafu, isagoo xilkaasi u magacaabay mas’uul cusub.
Guddoomiyaha cusub ayaa xilka u magacaabay Yinager Dessie, waxayna arrintan ka mid tahay dib u habeynta uu wado Ra’iissl wasaaraha cusub ee Itoobiya, waxaana la filayaa in guddoomiye ku xigeenka Bankiga dhexe loo magacaabo guddoomiyaha xilligan ee Bankiga Ganacsiga Itoobiya Bekalu Zeleke.
Bankiga Ganacsiga Itoobiya iyo Bankiga horumarinta Itoobiya ayaa iyagana la filayaa in guddoomiyeyaal cusub loo magacaabo, taasoo qeyb ka ah qorshaha Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii dowladda Imaaraadka Carabta ay ku dhawaaqday inay Itoobiya siineyso lacag dhan 3 Bilyan oo Doolar, taasoo Hal Bilyan oo ka mida lagu taageerayo Bankiga dhexe ee Itoobiya.