Guddoomiyihii Mashruuca weyn ee biyo-xireenka Renaissance Dam ee dalka Itoobiya Simegnew Bekele ayaa isaga oo meyd oo ku jira Gaarigiisa laga helay fagaaraha Masqal ee magaalada Addis Ababa.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegay inaan la ogeyn sababta geeridiisa oo aan caadi ahayn, wwaxaana baaraya Booliiska Addis ababa iyadoo meydkiisa ay qaadeen qeybta demni baarista, waxaana la dhigay Isbitaalka St. Paul.
Dadweyne isugu soo baxay goobta laga helay meydka Injineerka gacanta ku hayey Biyo xireenka weyn ee Itoobiya oo ay isku hayaan dalka Masar, ayaa ka murugooday geeridiisa, waxaana jirta naxdin ku saabsan inay noqon karto in la dilay.
Telefishanka Itoobiya ETV ayaa sheegay in Booliska ay arrinta gacanta ku hayaan, isla markaana uu socdo baaritaan.