Friday, July 4, 2025

Guddoomiyihii Degmada Awdheegle oo lagu dilay Qarax loo dhigay Gaarigiisa & Wararkii ugu danbeeyay…

Guddoomiyihii degmada Awdheegle ee Gobolka Shabelelaha Hoose ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay Qaraxa loo dhigay Gaarigiisa meel u dhaxeysa Degaanka Sabiid.

Gaari uu la socday Guddoomiyaha Degmada Awdheegle Maxamed Abuukar Yarow ayaa waxaa la kacday miino xoog leh o dhulka loo geliyey, waxaana goobta ku dhintay Guddoomiye Maxamed Yarow, iyadoo sidoo kale ay ku dhinteen laba ka mida ilaaladisa, ayna jiraan dhaawacyo kale.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa xaqiijiyey geerida Guddoomiyaha Awdheegle oo muddo lix sano ah guddoomiye ka ahaa degmada, isla markaana ay Alshabaab marar badan isku dayeen khaarijintiisa.

Alshabaab ayaa sheegtay weerarka miinada ee lagu dilay guddoomiyaha degmada Awdheegle, waxaana ay sidoo kale sheegeen in qarax kale ay ku dileen askar la socotay Mooto, balse wararku sheegayaan inay ahaayeen dad shacab.

Ciidamda dowladda ayaa la sheega inay gaareen goobtii uu qaraxa ku qabsaday Guddoomiyaha Awdheegle oo howlgal ay ka sameeyeen, waxaana miinooyinka dhulka ay hore ugu dileen Alshabaab saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada dowladda

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON