Sunday, July 13, 2025

Guddoomiyihii Guddi uu magacaabay Sh. Aadan Madoobe oo iska diiday howshii loo xilsaaray

Guddoomiyaha Guddi Xubnaha ah oo Guddoomiyaha Baarlamaanka u xilsaaray baaritaanka dhacdadii qalalaasha ahayd ee fadhigii Golaha shacabka ka dhacday Axadii ayaa iska diiday shaqada loo xilsaaray.

Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Odawaa oo ahaa Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga ka kooban 5-ta xubnood ayaa qoraal uu soo saaray uga cudurdaartay inuu howshaasi qabto.

Anigoo u mahad celinaya gudoomiyaha golaha shacabka JFS Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe), haddana waxaan ka cudur daaranayaa ka mid noqoshada xubinimada guddigaan hoos ku lifaaqan” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Odowaa.

Wuxuu sii raaciyey: “Xildhibaanada saxiibadeey ah waxaan kula dardaarmayaa in aan mar walba ilaalinno anashax iyo dhaqanka wanaagsan, xasuusnaana inaan nahay indhihii dalka”.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa aqbalay cudurdaarkii uu soo gudbiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ee ku saabsanaa ka mid noqoshada guddiga baarista dhacdadii 07/08/2022, wuxuuna ku bedelay Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abuukaato).

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON