Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Xaflada soo dhaweynta oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal Soomaali ah oo xafladasi ku maamusay Duqii hore ee Caasimadda Soomaaliya oo haatan ku sugan dalka Turkiga.
Khudbad dheer oo uu ka jeediyay xafladda ayuu Taabit ka sheegay waxyaabihii uu ka kororsaday intii uu xilka hayay, isagoo sheegay inaysan dalka ka jirin amni darro balse ay ka jirto kalsooni daro, wuxuuna si weyn u amaanay doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee nabadda dalka ka qaadan karaan.
KHUDBADDA HOOS KA DAAWO