Monday, June 23, 2025

Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir oo soo saaray 7 Qodob oo lagu xalin karo khilaafka ka taagan Baarlamaanka [Akhriso]

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed  ayaa qoraal kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo aragtidisa ku saabsan khilaafka hareeyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Taabit ayaa qoraalkiisa ku sheegay inaan weli heshiis laga gaarin wixii sababay khilaafka loona baahan yahay xal waara, isagoo soo jeediyay 7 qodob oo uu sheegay in lagu xalin karo xaaladda ka dhalatay mooshinkii Jawaari.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA THAABIT

Marka hore, Rabbi ayaa ku mahadsan inuu baajiyay rajabeelkii maanta loo saadaalinayay Baarlamankeena, marka xiga waxaan Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uga mahadcelinayaa talaabadda muhiimka ah ee uu ku baajiyay kulankii maanta.

Runtii dhamaanteen waxaan qabnay walaac badan, waxaan ku dadaalnay in qaranka wax loo hambeeyo, waxaan la hadlay xildhibaanada labada dhinac, waxaan ka codsaday inaan shacabka la niyad jabin iyo inaan sumadda Qaranka (Baarlamanka) la karaama tirin.

Sidoo kale waxaa xusid mudan sida ay arrintaan uga walaaceen Madaxdii hore iyo Beesha Caalamka oo dareensan dhibka laga soo maray in dalkaan lagu soo celiyo hanaankii dowladnimada.

Inkastoo kulankii maanta lagu guuleystay in la baajiyo, hadana wali arrintu ma bisla, siyaasiyiintii aragtida isku khilaafayna la iskuma keenin heshiisna ma dhicin, sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa.

1. Dalku wuxuu maraya xili adag oo uu qof walba u baahan yahay, sidaa darteed waa inuu qof walba qaata masuuliyadiisa.

2. Xildhibaanada waxaan ku boorinaya in wax walba laga hormariyo danta guud, oo la dhowro amaanada shacabka.

3. Dagaalkan siyaasadeed sida uu u socdo iyo xilliga uu kusoo aaday marka la eego, ma jiro qof ku macaashi kara, sidaa darteed isu tanaasulku waa daawada muranka.

4. Madaxda sare waa in ay ogaadaan inuu waqtigu eryanayo, waxaan ula jeedaa xiliga dhiman iyo howsha na hortaala oo aad u badan.

5. Waxaan soo jeedinaya inaan la toogan rajadda shacabka, oo la muujiyo masuuliyad, oo laga gudbo isu awood sheegad iyo is tijaabin, taasoo hadii ay dhacdo hoos u dhigi karta rajada caalamku naga qabo iyo in la gaari waayo halkii lagu balamay.

6. Hay’addaha amniga waxaan ugu baaqayaa in wadooyinka loo furo Muqdishaawiyiinta oo laga qaado culeysyada heystay usbuucyadii la soo dhaafay. Ogaada, amni-darrada waxaa looga bixikaraa shacabka oo lagu kalsoonaado, waana shacab dulqaad badan, dowladnimadana jecel.

7. Shacabka waxaan lee yahay niyad-wanaag muujiya, khilaafku waa dhamaadaa laakiin Qaranku mar walba waa jiraa.

Mahad badan

Mudane: Thabit Cabdi Maxamed

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON