Tuesday, June 24, 2025

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare oo shaaciyey cidda hortaagan dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka [Akhriso

Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka oo maanta xilka wareejiyey Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa shaaciyey cidda hortaagan dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka dalka.

Isagoo ka hadlayey munaasbadii Xil wareejinta ayuu sheegay in Dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka oo aan weli la dhisin ay nasiib darro ah isagoo sheegay in Guddiga oo 5 xubnood oo ka mida ay magacaabis ku imaanayaan ilaa iminka la magacaabi waayay taasoo ah dhibaato ka jira hoggaanka dalka.

Guddoomiyihii hore Maxkamadda sare ayaa sheegay in dowladda hadda jirta aysan la shaqeyn isaga oo uusan wax taageero ah ka helin dowladda, isaguna uu qabtay wixii karaankiisa ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in sababta ku kaliftay inuu xilka wareejiyo ay tahay tanaasul u sameeyay markii uu eegay danta guud ee Qaranka, isla markaana uu arkay is cafintii madaxda dalka Kenya.

Wuxuu si weyn ugu mahadceliyay Ururka Qareenada Soomaaliyeed oo uu sheegay inay kala hadleen arrinta ismari waaga xilka isaguna uu aqbalay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON