Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in tartanka loogu jiro aqalka hoose uu ku soo biiray siyaasi cusub.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa noqday musharax u taagan xildhibaan C/qaadir Maxamed Nuur (Siidi), isagoo u tartamaya kursiga Beesha Garre.
C/qaadir Siidii oo ka mida shaqsiyaadka sida weyn loogu yaqaan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la soo shaqeeyay dowladihii C/laahi Yuusuf iyo Shariif Axmed, wuxuuna gacan saar la leeyahay Itoobiyaanka.
Kadib markii xilka guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose ayaa laga waayay masraxa siyaasadda isagoo haddana dooaya inuu ku soo laabto.
Goobjooge.com