Monday, July 14, 2025

Guddoomiyihii la eryay ee Guddiga SEIT Hirshabeelle oo eedeeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe

Madaxda Hirshabeelle oo ku kala qeybsamay kuraasta harsan doorashada magaalada Beledweyne iyo wararkii ugu danbeeyay

Gudoomiyihii Guddiga Doorashada Hirshabelle ee uu xilka eryay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa diiday xil ka qaaista lagu sameeyay, isagoo eedeyn u jeediyey Madaxweynaha Hirshabelele.

Axmed Xasan Diini oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in uu weli yahay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka hir-Shabeelle, wuxuuna caddeeyay in Doorashada Hirshabelele ay soo wajahday caqabad, markii uu farageliyey Cali Guudlaawe.

Doorashadii ka socotay Magaalada Beledweyne ayuu sheegay inay u hakatay sababo la xiriira faragelin uu ku haayo Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada oo guddiga Doorashada gacantooda laga bixiyey maamulka doorashada.

Khilaafkan ayaa salka ku haya kursi uu guddoomiyaha xilka laga qaaday doonayey inuu u xiro musharax ay wadato madaxtooyada Soomaaliya ee kursiga HOP135, waxaana qeyb k aah madaxweynaha ku xigeenka Hirshabeell eiyo guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON