Monday, July 14, 2025

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare oo la ogoleysiiyey inuu Xilka wareejiyo [Akhriso maxaa lagu qanciyey..?]

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan oo dhowaan uu xilka ka qaaday Madaxweyanha Soomaaliya ayaa la ogoleysiiyay inuu xilka wareejiyo kadib waanwaan maalmo socotay oo lala galay.

Arrintan ayaa la sheegay inay ku guuleysteen qaar ka mida xubnaha ururka Qareenada Soomaaliyeed oo isaga dab qaaday Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha xilka laga qaadya oo hore u diiday kuna tilmaamay sharci darro qaabka xilka looga qaaday.

Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa ogolaaday inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee xilkaasi loo dhaariyay Baashe Yuusuf Axmed, iyadoo aan la shaacin sida loo qanciyey Guddoomiyaha xilka banneynaya iyo haddii ay jiraan is afgarad hoose ama cawil celin la siinayo, waxaase jira warar sheegaya in balanqaad loo sameeyay.

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Ururrka Qareenada Soomaaliyeed ayaa lagu shaaciyey xalka laga gaaray arrintan kadib wadahadal ay la yeesheen guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare Ibarahim Iidle Suleymaan oo  ka aqbalay xilka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Farmaajo, diyaarna u yahay  uu xilka wareejin doono.

War-Saxaafadeed ee soo saareen Ururka Qareenada Soomaliyeed ayaa lagu sheegay in ay garwaaqsadeen in arrinatani aysan noqon sida khilaafyadii hore ee xilalka la isaga qaadi jiray. munaasbadda xil wareejinta ayaa hadda socota.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON