Guddoomiyihii Soomaaliga ahaa ee Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ C/qawi Axmed Yuusuf ayaa banneeyay xilka, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkiisa.
Guddoomihaha cusub ee Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa loo doortay gudoomiye iyo gudoomiya ku xigeen cusub. Waxaa Gudoomiyaha Maxkamadda loo doortay garosoore Joan E. Donoghue oo u dhalatay dalka Mareykanka, iyadoo guddoomiye ku xigeen isna loo doortay garsoore Kirill Gevorgian oo u dhashay dalka Ruushka.
Haweeneyda Joan E. Donoghue ayaa xubin ka ahayd maxkamadda ICJ tan iyo bishii September 2010-kii, halka garsoore Kirill Gevorgian uu maxkamadda ku soo biiray sanaddii 2005.
Garsoorahan caanka ah ee Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf, ayaa horey u ahaa madaxwaynha maxkamada ICJ , balse iminka markii uu mudda xileedkiisa dhameystay ayaa la doortay guddoon cusub, isagoo weli xubin ka ah Garsoorayaasha maxkamadda ICJ.
Cabdulqawi ayaa xilka madaxwaynaha maxkamadda ICJ hayay tan sanaddii 2018. wuxu hore Cabdulqawi ayaa horey waxaa uu la taliye dhanka sharciga ah uga soo noqday qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey. Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa waxaa la asaasay sanaddii 1945-tii.
Maxkamada ICJ ayaa waxaa uu fadhigeedu yahay magaalada The Hague ee dalka (Netherlands), halkaasi oo ay kiisaska ku dhageysato. Garoorayaasha maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa ka kooban 15 garsoore oo 9 sanaba mar la doorto.
