Friday, April 26, 2024

Guddoomye G/Banaadir oo Aqalka Sare ka dalbaday Maqaamkii & Xuquuqda Dadka Muqdisho

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka dalbaday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya inay meel saaraan maqaamka siyaasadeed ee Gobolka Banaadir.

Isagoo ka hadlay xeritaanka kalfadiga Aqalka sare ayuu sheegay in 3 Milyan oo shacabka Muqdisho ah ay u baahan yihiin inay metelaad ku yeeshaan Aqalka sare ee Baarlamaanka, taasina  laga sugayo inay xaqiijiyaan xildhibaannada Aqalka Sare.

Guddoomiye Thaabit ayaa u sheegay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in Dastuurka dalka uu farayo sharci gaara oo loo sameeyo caasimadda , taasoo ah arrin u taalla labada Gole ee Baarlamaanka inay sharci ka soo saaraan maqaamka caasimadda.

Ad

Maqaamka Muqdisho ayaa noqday mid dowladihii isaga danbeeyay dalka aanay ku guuleystan inay sharci u sameeyaan, taasoo keentay inuu metelaad ku yeelan waayo Aqalka sare ee maamuladda dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON