Tuesday, June 24, 2025

Guddoonka Baarlamaanka oo looga shakisan yahay inay ka horjeedaan Golaha Wasiirada cusub [Warbixin]

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay inuu ka soo horjeedo xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Guddoonka oo ka kooban Guddoomiyaha iyo labada ku xigeen ayaa hore cabanayay inaan laga talogelin magacaabidda Ra’iisal wasaaraha, kadibna waxaa dhacday inaysan galaangal badan ku yeelan Wasiirada cusub.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa la sheegay in tiro aad u yar uu ku leeyahay golaha marka loo eego Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxaa kaloo si weyn u dhaliilsan wasiirada cusub Guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad oo ah ninka la tuhunsan yahay inuu qeyb ka yahay qorsheyaasha lagu doonayo in dib loo celiyo xukuumadda cusub.

Kulamo fara badan oo dhex maray Guddoomiye Jawaari iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa xaaladda ka hor intii aan la magacaabin xukuumadda, taasoo mar kale keentay inuu soo baxo madmadowga labada dhinac.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa hore loogu eedeeyay inuu faragelin ku hayo dhismaha xukuumadda, waxaana qoraal arrintan ku saabsan loo gudbiyay guddoonka.

Xiriirka Guddoonka Baarlamaanka, madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid aan wanaagsaneyn oo shaki hareeyay tan iyo intii ay wada shaqeyntooda bilaabatay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON