Friday, June 27, 2025

Guddoonka Labada Aqal oo Durba jebiyay Qodob lagu dhisay Guddiga Doorashada Madaxweynaha (Akhriso)

Qoraal uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu magacaabay 16 xubnood oo noqonaya Guddiga Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xubin dheeraad ah lagu daray.

Xubinta lagu daray Guddiga Doorashada oo maanta uun la kordhiyay tiradiisa oo sharciyan ah 15 xubnood, ayaa haddana ay dhacday in Guddoonka labada aqal ay iska garteen inay xubin cusub ku kordhiyaan iyagoo aan kala tashan Xildhibaanada.

Xubinta lagu daray Guddiga Doorashada madaxweynaha ayaa ah xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle oo ahaa guddoomiyihii Guddiga Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka.

Inkastoo arrintan ay u muuqato mid sahlan oo sabab looga dhigay in tirada Guddiga ay ku noqoneyso hal dheeri ayaa haddana sharci ahaan ay tahay xadgudub, iyadoo la ogyahay in xubintii maanta lagu kordhiyay howl dheer laga maray oo cod loo qaaday.

HOOS KA AKHRI QORAALKA 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON