Monday, June 23, 2025

Gudoomiyihii Xisbiga Wadajir oo Xilkii laga qaaday & Wasiir hore oo ku biiray (Akhriso )

Xisbiga Wadajir ee uu aasaasay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa isbedel lagu sameeyay, waxaana xilkii laga qaaday guddoomiyihii xisbigaasi iyadoo isbedel lagu sameeyay xubnaha kale ee Xisbigaasi.

Shir ka dhacay magaalada Nairobi oo ay isugu yimaadeen xubno kooban oo xisbigan ka mida ayaa lagu shaaciyey dib u habeyn lagu sameeyay Guddiga fulinta Xisbigan, iyadoo aanay caddeyn cidda isbedelka sameysay maadaama aanu lahayn gole dhexe, aysanna muuqan xilli xil heynta.

Waxaa xilkii laga qaaday Guddoomiyihii Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Gutaale, iyadoo xilkaasi loo magacaabay Saciid Cabdi Muuse Baalle, waxaa kaloo xilkii laga bedelay xoghayihii xisbiga Sayid Cali Macalin Cabdulle oo loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga.

Ad

Wasiir hore ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka C/fataax Ibraahim Geesey ayaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga, waxaana muuqata in magacaabidda uu sameeyay hoggaamiyaha xisbiga C/raxmaan C/shakuur.

Xisbiya sida KMG ah dalka looga diiwaan geliyay ayaa ah xisbiyo ay leeyihiin shaqsiyaad oo aan weli buuxin shuruudihii xisbi laga rabay, waxaana awoodda iska leh asaasaha xisbiga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON