Thursday, May 2, 2024

Halkee ka timid lacagta lagu wado mooshinka laga keenay Ra’iisal Wasaaraha (Xog la helay)

Goobjooge.com oo ahayd warbaahintii ugu horeysay ee shaacisay laaluushka loo adeegsaday mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa baaris dheer kadib soo heshay halka ay ka timid lacagtaasi loo qeybiyay xildhibaanno ka badan 130 oo saxiixay mooshinka iyadoo ay qeybinteeda ka qeyb qaateen guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Xuseen Muungaab iyo Cali Sheekh Maxamuud oo ay walaalo yihiin madaxweynaha.

Lacagtan ayaa ah deeq ay taageero miisaaniyad ahaan u siisay dowladda Suudaan, iyadoo lacagtaasi ay hakisay Suudaan kadib markii xilka uu ka tegay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, laakiin dib loo bilaabay dhowaan markii xiriiro dhex mareen labada madaxweyne ee Suudaan iyo Soomaaliya.

La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegay iyadoo cadaan ah (Cash) kula wareegay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxayna wararku sheegayaan inuu isagu yahay qofka maamusha lacagtaasi oo gaareysa 2 milyan oo doolar, waxayna kooxda madaxweynaha ugu talo galeen inay u isticmaaaan ridista xukuumadda C/weli iyo taageero u raadinta xukuumadda cusub ee ay dhisi doonaan marka ay u hirgasho hamigooda ah inay ka takhalusaan ra’iisal wasaarihii labaad ee xilka qabta inta dowladda federaalka Soomaaliya ee rasmiga ah ay jirto,

Ad

 

GOOBJOOGE.COM
LONDON

 

- Advertisement -

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON