Thursday, June 26, 2025

Halkee ku danbeeyay Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar…? [Wararkii ugu danbeeyay]

Warar kala duwan ayaa tan iyo shalay kasoo baxayey halka uu ku danbeeyay madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Iley), isagoo mar kasoo muuqday telefishan maxali ah.

Cabdi Iley ayaa la sheegay inay ilaalo ka hayaan ciidamada Liyu Police ee dowlad degaanka uu leeyahay, waxaana uu sheegay Idiris Ismaaciil Cabdi oo ah wasiirka warfaafinta ee DDSI in madaxweynuhu uu ku sugan yahay madaxtooyada, halkaasoo aan lagu arkin.

Qaar ka mida Warbaahinta Itoobiya ayaa hore u shaaciyey in Cabdi Maxamuud Cumar ay qabten milateriga Itoobiya, arrintaas oo ahayd warar ah faafiyeen siyaasiyiin iyo saxafiyiin Oromo ah oo kasoo horjeeda DDSI.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu ku sugan yahay magaalada Jigjiga oo uu tan iyo shalay joogay, isagoo  la kulmay Baadariga ugu weyn magaalada Jigjiga, wuxuuna raalligelin ka siiyey weerarkii lagu gubay kaniisada.

Waxaa cad in madaxweynaha DDSI Itoobiya ku sugan yahay magaalada Jigjiga oo xaaladeeda ay maanta deganeyd kadib shaqaaqooyin ay ku dhinteen dad ka badan 10 oo shalay ka dhacay magaalada.

Ciidamada federaalka Itoobiya iyo Booliska Rabshadaha ayaa ku sugan magaalada Jigjiga, waxaase amar lagu siiyey inaysan wax iska hor imaad ah la gelin ciidamada Liyu Police-ka ee taabacsan Cabdi Iley.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON