Wednesday, June 25, 2025

Hanti dhowrka guud oo Baarlamaanka hortiisa ka qarxiyay fadeexadii Markab lagu qabtay Dekadda Muqdisho

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa maanta shaaca ka qaaday in la sii daayay Markab lagu qabtay Dekadda Muqdisho oo lagu soo eedeeyay inuu sharci darro uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya, isagoo caddeeyay in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay sii deysay Markabkaasi. Hanti dhowrka guud ee Qaranka  Baarlamaanka hortiisa maanta ka caddeeyay warkaasi. wuxuuna ka dalbaday xildhibaanada Baarlamaanka siiba Guddiga qaabilsan kheyraadka badda inay arrintan baaraan oo Baarlamaankuna dood ka yeesho.

XASAN-XEER

Hanti dhowrka oo maanta ka hadlayay shirka Baarlamaanka oo looga doodayay Hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka wuxuu Baarlamaanka ku booriyay inay arrintan daba dagal ku sameeyeen, isaguna diyaar u yahay inay gacan ku siiyaan Baarlamaanka. “Waxay ahayd in markabka la xukumo, kaluunka saaran ilaa 2 Milyan doolar  ayuu gaarayay” ayuu yiri Nuur Jimcaale Faarax.

Mareegta Goobjooge.com ayaa kashiftay arrintaani shalay qoraal ay ka diyaarisay dhacdada Markabkan iyo fadeexada lagu sii daayay (Akhri warbixinta Goobjooge.com) , waxayna uga mahad celineysaa Hanti dhowrka guud tallaabada geesinimada iyo mas’uuliyadda leh uu qaaday iyadoo ugu baaqeysa xildhibaanada Baarlamaanka inay kaalintooda ka qaataan ka sal gaaridda arrintan oo ka mida waajibaadkii ay u dhaarteen.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON