Wednesday, June 25, 2025

Hanti dhowrka guud: “Shaqadii Qaranka aan u heynay waxaa hakad geliyay Madaxtooyada, nolosheydana halis ayay ku jirtaa”

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax  ayaa sheegay inay shaqadii ay hayeen laga joojiyay, noloshiisa iyo shaqadiisa ay halis soo wajahday kadib markii loo diiday in ay galaan xafiiskii ay ku lahaayeen madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku shaqeynayeen.

Isagoo saxaafadda kula hadlay  maanta Muqdisho waxa uu caddeeyay in isaga halis la geliyay sidoo kalena ciidamo ku sugan madaxtooyada ay gaarigiisa dhibaato soo gaarsiiyeen, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Baarlamaanka in arrintani ay wax ka qabtaan.

XASAN-XEER

Halkan hoose ka dhageyso codka Hanti dhowrka guud.

 

Goobjooge.com waxay  hore u shaacisay inay madaxtooyada raali ka ahayn shaqada Hanti dhowrka guud, isla markaana uu madaxweyne Xasan Sheekh si toos ah uga dalbaday inuu joojiyo dibna u dhigo baaritaanada musuqmaasuqa ee wasaaradaha dowladda uu ku hayay hanti dhowrka guud. (Akhri qormadii Goobjooge.com ka qortay arrintaasi).

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON