Hantii dhowrka guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale oo ilaaladiisa ay ka danbeysay dilkii wasiirkii howlaha guud ee Soomaaaiya Cabbaas C/llaahi Siraaji ayaa ka hadlay waxa dhacay.
Wuxuu sheegay in dhacdada ay ahayd shil, isla markaana labada ilaalo ay is rasaaseeyeen, taasoo uu ku baxay wasiirkii howlaha guud, isagoo wareysii siiyay VOA ayuu sheegay inuu aad uga xun yahay sida wax u dhaceen.
“Waxa dhacay ma ahayn wax fiican, is rasaaseyn ayaa dhacday, shil ayuu ahaa waxaana ku baxay walaalkeen wasiir Cabbaas..” ayuu yiri Hanti dhowraha oo intaas ku daray inuu socdo baaritaan oo aanu ka hor dhaceynin arrinta.
Dilka Wasiirkii howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya oo ay ka hadleen madax iyo dad fara badan ayaa soo shaac bixiyay dhibaatada weyn ee ilaalada madaxda dowladda oo lagu qiyaaso inan kumanaan yihiin, laguna qorto qaab qaraabenimo kuwaasoo xaalad ammaan darro iyo culeys sharci darro ku haya magaalada muddo dheer.
DHAGEYSO
Goobjooge.com