Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa baabi’iyey heshiis uu Wasiirka warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe shirkad gaara ugu ogolaaday inay Maqaayad ka dhisato dhulka Tiyaatarka Qaranka.
Heshiiska oo Wasiir Dubbe la hakiyey markii uu sidaas faray Ra’iisal wasare Rooble ayuu Hanti-dhowrka baab’iyey, wuxuuna caddeeyay inay sharci darro ahayd habka ay martay Wasaaradda Warfaafinta xilligan kala guurka ah.
Qoraalka ayaa muddo 72 saacadood ah u qabtay Wasiirka Warfaafinta inuu si degdeg gebi ahaanba u joojiyo arrinka bixinta dhulka Tiyantarka Qaranka, isla markaana marka warqadan gaarto uu soo saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA HANTI DHOWRKA
The Federal Government of Somalia
Office of the Auditor General
Tixraac: XHG/HG-119/2021
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska XFS
Og: Xafiiska xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka
Og: Ra’iisal Wasaaraha XFS
Og: Madaxweynaha JFS
Tr; 01/09/2021.
Ujeeddo: Joojin/Baabi’in Oggolaansho Maqaayad Laga Dhisayo Dhul Bannaan oo ku Yaalla Tiyaatarka Qaranka
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxaa uu mas’uul ka yahay ilaalinta hantida ummadda iyo u hoggaansanaanta sharciga si loo xaqiijiyo in hay’adaha Dowladda ay hantida ummadda u maamulaan sida ugu wanaagsan, ugu beckhaansan uguna waxtarka fiican. Xafiiska Hantidhawrka 00 tixraacaya warqadda summaddeedu tahay (WWDHD/XW/0061/2021) ee ku taariikheysan 27/06/2021, taas oo ujeeddadeedu ahayd “Ogolaansho Maqaayad Laga Dhisayo Dhul-bannaan oo ku yaala Tiyaatarka”, kana 500 baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS taas oo shirkad la yiraahdo Xaawo Taako loogu ogolaaday in ay maqaayad ka dhisto dhul bannaan oo ka mid ah dhulka Tiyaatarka Qaranka.
Sida ay Wasaaradda Warfaafinta u wajahday arrintan ayaa ah mid aan waafaqsanayn nidaamka Dowliga, shuruueda dalka iyo wareegtooyinka hay’adaha Dowladda sida hoos ku xusan:
1- Qodobka 43 (2) ee Dastuurka Ku-meel-gaarka (KMG) JFS;
2- Qodobka 50 (1) Xarfaha (b & t) ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lt. ee 25/12/2019):
3- Amar Madaxweyne oo ku taariikheysan “19 Janaayo 2018″, taas oo lagu caddeeyey in
ay sharci darro “hibeynta, bixinta iyo wareejinta dhulka Dawladda”;
4. Qodobbada 2 iyo 3* ee Xeer Ra’iisal Wasaare (Xeer Lr. 047, ce 06/12/2018), kaas oo ku saabsan “Heshiisyada Dawladda Federaalka la galeyso Shirkado ama Hay’ado;
5. Qodobka 1d ee warqada Hantidhawraha Guud ee 20/10/2020 00 lagu sheegay in hay’adaha Dowladda heshiisyada ay galaan ka soo diiwaan geliyaan Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka:
Wasaaradda Warfaafinta ayaa si cad ugu xadgudubtay nidaamka dowliga ah iyo shuruucda dalka maadaama Wasiirka Wasaaradda uu maamulka hantida Wasaaradda u maray sifo aan shareiga waafaqsanayn, sidoo kalana wax dan/faa iido aysan ugu jirin guud haan shacubka iyo bahda fanka Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah Qarankeenna.
Haddaba. Xafiiska Hantidhawrka Guud waxaa uu farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta:
1- In uu si degdeg ah uu gebi ahaanba u joojiyo arrinka bixinta dhulka Tiyantarka Qaranka
uuna Wasiirku muddo 72 sacaadood gudahooda marka warqadan soo gaarto uu soo saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka iyo in Xafiiska Hantidhawrka Guud uu la soo wadaago dhammaan heshiisyada la xiriira dhulal kale oo ay Wasaaradda bixisay haddii ay jiraan:
2. In Wasiirku uu si maangal ah oo mas’uuliyad ku jirto u maamulo dhulka danta guud ee
Wasaaradda Warfaafinta;
3. In arrimaha maamulka hantida Wasaaradda aan looga faa’lidaysan dano gaar ah ama shaqsiyadeed:
4. In uu gacan siiyo bahda funka iyo dhaqanka oo kaalin muhiim ah uga jira dib u dhiska dalka iyo wacyigalinta dadweynaha, uuna joojiyo tallaabooyinka dhibaataynaya bahda
fanka iyo dhaqanka guud ahaan.
Xafiiska Hantidhawrka waxaa guud ahaan hay’adaha Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta u sheegayaa in aan cidna laga yeelayn loogana harayn in dhulka danta guud loo maamulo si aan sharciga waafaqsanayn ama dano gaar ah looga faa’iidayso hantida ummadda.
Sidoo kale, Xafiiska Hantidhawrka Guud waxaa uu si adag ugu digayaa hay’adaha iyo mas’uuliyiinta Dowladda in ay hantida ummadda si sharci darro ah u maamulaan iyadoo laga faa’iidaysanayo xilliyada kala guurka ah.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan u ballan qaadaynan in cid walba oo arrintaa maanka ku haysa kuna sifoowda falkan in Xafiiska Hantidhawrka Guud uu si adag oo aan naxariis lahayn ula tiigsan doono shacriga. Sidan darteed, hay’adaha iyo mas’uuliyiinta Dowladda waxaan ka rajaynayna in ay si maangal ah oo beekhaansan u maamulaan hantida ummadda si dalkan iyo dowladnimadiisa sare loogu qaado.
Wada Shaqeyn Wacan
Md. Maxamed Maxamuud Cali
Hantidhawraha Guud ee Qaranka
