Tuesday, June 24, 2025

Hanti dhowrka Qaranka oo shaaciyey inay Dabagal iyo Baaris ku sameeyaan Ciidamada Dowlada

Handti-dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa sheegay in xafiiska Hanti dhowrka oo xoojiyey howsha uu hayo, isla markaana baaritaan iyo dabagal ku sameeyay hay’adaha dowladda iyo kuwa ciidamada.

Kulanka Sanadlaha ee Xafiiska Hantidhowraha guud ee Qaranka oo maanta lagu qabtay magaalada muqdisho ayuu Handtidhowraha Guud ee Qaranka faahfaahin ka bixiyey Qorshaha ay ku shaqeyn doonaan  3-da sano ee soo socota iyo waxyaabaha u qabsoomay mudadii sanadka ahayd ee uu xafiiska joogay.

Handti-dhowraha ayaa sheegay in xafiisku hirgeliyay nidaam cusub, kaasoo fududeeyay in lala xisaabtamo hay’adaha waaweyn ee ka tirsan dowladda, sida talisyada NISA iyo Xoogga dalka Soomaliyeed.

“Masuuliyadda Xafiiskan saaran waxay tahay dhowrista hantida qaranka ee umadda Soomaaliyeed iyo isla xisaabtanka, howshaas aan qabaneynano waxaan u mareynaa 3 waddo oo kala ah:

1- Habka maamulka maaliyadda iyo sida loo isticmaalay,

2- Dib u eegista hay’adaha qaran wajibaadka loo igmaday sida ay u gutaan shaqooyinkii loo qorsheeyay

3- iyo Baaris gaara oo lagu dabagalo khaladaadka ay soo gudbiyaan qeybaha bulshada

“Isla xisaabtanka Xafiiska hanti dhowrka ayaan ka bilownay, markii aan kala saarnay shaqaalaha xafiiska ka howlgalayay kadib waxaa nooga soo baxay dad Khibrad iyo aqoon u leh shaqada, anagoo bedelnay 4 agaasime, waxaa baaris iyo dabagal lagu sameeyay dhammaan hayadaha dowladda rayidka iyo ciidankaba, sida kuwa Amniga oo aan baaris ku sameyn, tallooyin ama khaladaadkii nooga soo baxayna waxaan la wadaagnay xafiisyadii ay quseysay” ayuu yiri Hantidhowraha Guud ee Qaranka mudane Afgooye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON