Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay gabdho Soomaali ah oo lala xiriirinayo weerarkii ay saddex haween ah ku qaadeen saldhigga Booliska magaalada Mombasa.
Haweenka weerarka ku qaaday saldhiga dhexe ee Mombasa ayaa Mindi ku weeraray sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska, kadibna Bambo batrool ka sameysan ku tuuray saldhigga, taasoo keentay in la toogto saddexdooda oo la sheegay inay xirnaayeen jaakadaha rasaasta celiya.

Boliska Kenya ayaa aqoonsaday saddexda haween oo intii ay weerarka wadeen ku dhawaaqay ereyo ay ka mid yihiin: “Alahu Akbar, waxaan nahay Alshabaab.. -“Allah Akbar! Sisi ni Al-Shabaab!-” waxaana magacyadooda lagu kala sheegay: Tasnim Yacqub Abdullahi Farah and Fatuma Omar iyo Mariam, sida lagu sheegay bayaan ay Booliska soo saareen.
Waxay Boolisku tuhunsan yihiin in haweenkan ka tirsan yihiin kooxda Jeysh Al Ayman oo fadhigooodu yahay Keynaha Boni ee ka howlgasha Lamy iyo Gaarisa gacan saarna la leh Alshabaab.
Baaritaan ay sameeyeen ciidamada Booliska Kenya iyo dabagalka telefoonada haweenka weerarka qaaday ayaa keenay in la baaro guryaha haweenkaasi, waxaana gacanta lagu soo dhigay saddex dumar ah oo lala xiriirinayo.
Baaritaan lagu qaaday guriga Tansim Yacquub ee ku yaala Kibokoni, Mombasa, ayaa lagu soo qabay haween Soomaali ah lagu kala magacaaabo:
- Sacida Cali Xaaji,
- Naciima Maxamed Axmed
- Iyo Shukri Cali Xaaji.
Baaritaanada ayaa weli socda iyadoo Booliska Kenya ka cabsi qabo in weerarka ay qaadeen haweenkaasi hordhac u yahay weerar weyn oo kooxdaasi ay qaadi doonto.
Goobjooge.com