Friday, June 27, 2025

Haweeney Alshabaab ka afduubteen gudaha Kenya oo la baadigoobayo

Haweenay macalimad ah oo lagu magacaabo Judy Mutua una dhalatay dalka Kenya ayaa dablay ka tirsan Alshabaab ka afduubteen dhowaan duleedka Xerada qaxootiga ee Xagardheer ee Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya oo ah xero ay ku jiraan qaxootiga Soomaalida.

judy-pic
Judy Mutua, a teacher working with an NGO in Garissa, was kidnapped by suspected Al-Shabaab militants between Dadaab and Hagadera on Monday, October 12, 2015.

Haweeneydan ayaa la sheegay in laga afduubtay inta u dhaxeysa Xagardheer iyo Dadaab, iyadoo dabley hubeysan ay gaarigii ay la socotay weerareen lana wareegeen, waxayna u shaqeynaysay Ha’yadda Windle Trust International, oo ah urur aan dowli ahayn oo samafal.

Boolis ayaa la geeyay degaanka lagu tuhmayo in lagu heysto macalimadani oo kiiskeeda dalka Kenya ayaa si weyn loo baahin, waxayna wararku sheegayaan, laakiin dadka Kenya ayaa baraha bulshada ka wada olole ay ku dalbanayaan in la soo badbaadiyo Judy.
Waa falkii ugu danbeeyay ee Alshabaab ka geysato gudaha Kenya iyadoo dhowaanahan ay ciidamada milateriga Kenya sheegeen inay olole balaaran ku qaadeen kooxda Alshabaab oo ay ka saareen keymo ay ku dhuuman jireen gudaha Kenya.
Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON