Waxaa magaalada Gaalkacyo lagu qabtay haweeney in muddo ah iska dhigeysay inay tahay Nin oo u lebisan jiray sidda ragga, iyadoo kiiskeeda baaritaan lagu bilaabay, laguna xiray sladhigga Booliska magaaladaasi.
Taliyaha Booliska G/Mudug Maxamed Nuur Cali ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada amniga ay qabteen haweeneydan iska dhigeysay inay tahay rag oo dumar badan la shaqeyn jirtay iyadoo lagu magacaabo Deeqo Cabdullaahi Aadan, waxayna xiliga la soo qabanayay ay gacanta ku wadatay Bastoolad.
Haweeneydan Deeqo Cabdullaahi Aadan oo saxaafadda loo soo bandhigay, waxayna sheegtay inay nin ahaan ku shaqeysan jirtay in muddo ah oo xarun ganacsi ay lahayd ku ilaalin jirtay, waxayna xirneyd Shaar, Macawis, iyo cimaamad iyadoo wadatay tusbax.
Warar badan oo been abuur ah ayaa laga fidiyey haweeneydan sida inay haween guursatay inay caruur ka dhashay iwm, waxaana baraha bulshada hareeyay arrimo aan waxba ka jirin oo laga fidiyey haweeneydan.
HOOS KA DAAWO



