Iyadoo guddoonka baarlamaanka maamulka cusub ee Hirshabeelle la dooranayo maanta ayaa waxaa musharixiinta ka mid noqday haweeney isu soo sharaxday.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Canab Axmed Ciise ayaa ka mid ahayd mas’uuliyiinta Wasaarada Arrimaha Gudaha ee magaalada Jowhar u tegay maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Canab Axmed Ciise ayaa ka mid noqotay xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, kadibna waxay isku sharaxday xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka maamulkaasi oo rajo badan ay ka qabto in maanta loo doorto.
Xildhibaanada baarlamaanka cusub maamulka Hirshabeelle ayaa maanta dooranaya guddoonka baarlamaanka maamulkaasi, iyadoo maanta gaaray magaalada Jowhar guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
Goobjooge.com