Thursday, June 26, 2025

Haweeney la waayey oo Meydkeeda laga helay Goob aan la fileyn magaalada Baydhaba

Meydka haweeney la waayey muddo dhowr maalmood ah ayaa laga helay magaalada Baydhaba, kadib markii ay baaritaan sameeyeen ciidamada Amniga magaalada.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Allaha unaxariistee Aamino Maxamuud, ayaa meydkeeda galabta laga soo saaray Suuliga xaafad ka tirsan magaalada Baydhaba ee Gobolka Bay, kadib baaritaan socday maalmihii lasoo dhaafay oo lagu baadi goobayay haweenaydan la waayey.

Ciidamada Nabad sugidda Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay in meydka haweenaydaan ay ka soo saaraan Suuliga oo uu ku riday sida la sheegay nin lagu eedeyay inuu dilkeeda ka dambeeyay, kaasoo si ulakac ah falkan u geystay.

Ninka lagu tuhmayo dilka Aamino ayaa wararku sheegayaan inay ku lahayd Lacag “Deyn” aan faah-faahin laga bixin, taasina ay keentay inuu falkan kula kaco.

“Wuxuu ugu yeeray gurigiisa oo uu u ballanqaaday inuu ku wareejinayo, maadaama uusan bixi karin dayntii ay ku laheyd,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay bogga Facebook ee Radio Muqdisho.

Markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, kadibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana muddo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marxuumad Aamina, sida ay noo xaqiijiyeen ehelladeeda ayaa la raaciyay warkan la soo dhigay baraha warbaahinta Qaranka. 

Dhacdadaan ayaa argagax ku noqtay ehelka iyo dadka ku nool aagga laga helay meydka Aamino Maxamuud, waxaana si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON