Haweeney muslim ah aya maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska loo soo taagay kiis ku saabsan inay fal galmo ah la sameysay wiil 14 sano jir ciyaal iskuul ahaa.
Haweeneydan aya magaceeda lagu sheegay Hani Xersi, waana 36 sano jir, iyadoo ahayd macalin dugsi quraan sida ay qortay saxaafadda Ingiriiska, waxayna ku eedeysan tahay inay fal galmo ah oo buuxa la sameysay qof caruur ah oo aan la magacaabin.
Eedeynta haweeneydan ayaa waxaa ka mida in marar badan la wadaagtay wiilkaasi yar falal dhunkasho ah intii ugu dhaxeysay Decembar 2014 ilaa Janaayo 2015.
Khamiistii ayaa Hani la hor keenay Maxkamadda Maxkamadda Wood Green Crown ee magaalada London, iyadoo jirkeeda soo qarisay oo wada niqaab iyo gacmo gashi. Waxaase lagu qasbay inay indha-shareerka bixiso markii ay maxkamadda gashay.
Waxay sheegtay inaysan denbiga lagu soo eedeeyay qabin, waxaana la isku qabtay in loo sameeyo tarmjume yaqaan Afka-carabiga kadib markii ay sheegtay inaysan fahmeynin ereyada qaar.
Xaakimka Rosa Dean ayaa muddeeyay kiiska dacwadda Bisha August, iyadoo liiska dacwadooyinka maxkamadaasi yaalla lagu daray.
Isha: DailyMail