Safaaradda Mareykanka ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in haweeney Mareykan ah lagu dilay dalka Itoobiya oo ay ka socdaan bannaanbaxyo iyo rabshado ka sii daraya.
Warka ayaa sheegaya in haweeneydan ay ku safreysay duleedka magaalada Adis ababa ayaa la sheegay inay dhagxaan la dhaceen dad aan la aqoonsan, iyadoo dhaawac culus oo soo gaaray ay ugu dhimatay isbitaalka.
Rabshado waaweyn oo dad badan lagu dilay ayaa ruxay dalka Itoobiya siiba degaanada Oromada iyo Amxaarada.
Safaaradda Mareykanka ma bixin faahfaahin dheeraad ah, waxaana xiran wadooyinka magaalada Adis ababa oo ciidamo fara badan la dhigay kadin rabshadihii dhacay Talaadadii.
Goobjooge.com