Friday, June 27, 2025

Haweeney Ninkeeda Mindi ku dishay oo Xabsi loogu bedelay toogasho lagu fulin lahaa [Qiso muran badan dhalisay]

Maxkamadda racfaanka dalka Suudaan ayaa ugu danbeyn laashay xukun dil ah oo muran badan dhaliyay oo  lagu riday gabar ninkeeda ku dishay Mindi, markii uu damcay inuu la gogol galo, kadib markii ay qoyskeeda u guuriyeen iyadoo aan rabin.

Nuura Xuseen oo 19 jir ah ayaa xukunkii dilka ahaa hadda loogu beddelay 5 sano oo xabsi ah, waxaana sidaa sheegay qareen Abdelaha Maxamed oo u doodayey gabadhan oo arrinteeda muddo dheer soo taagneyd, isla markaana ururrada xuquuqda aadanaha ay ku doodeen in ninkeeda uu xoog u isticmaalay, taasoo ka dhigan kufsi.

Hooyada gabadha, Saynab Axmed, ayaa heegtay inay ku faraxsan tahay in la badbaadiyey nafta gabadheeda. Dad dunida caan ka ah ayaa taageeray olole internetka ka socday, #JusticeforNoura, kaasoo lagu dalabanayey in gabadhaas lagu sii daayo.

Bishii hore ayey maxkamad islaami ah ku xukuntay in toogasho  ah in la daldalo, kadib markii lagu helay inay ka dambaysay dilka ninkeeda. Nuura Xuseen ayaa khasab nin loogu guuriyey ayadoo 16 jir ah.

Waxay sheegtay in ninkii qabay uu soo kaxaystay qaar ilma adeertiis ah, kuwaasoo sida ay sheegtay dhulka dhigay oo xoog ugu celiyey, isaguna uu kufsaday. Markii uu damcay maalintii xigtay inuu sidii oo kale ku sameeyo ayey middi la soo baxday, ka dibna sidaa Toorey ku dishay.

WARKA QISADAN HOOS KA AKHRISO

Dil lagu xukumay Haweeney Ninkeeda Mindi ku dishay isagoo ‘kufsan’ lahaa oo Muran weyn ka dhaliyey Suudaan

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON