Wararka laga helayo dalka Tunisia aya sheegaya in haweeney ay bartamaha caasimadda dalkaasi ka fulisay weera is miidaamin ah.
Qaraxa ayaa ka dhacay Jidka weyn ee Xabiib Burqiiba, kadib markii ay isku qarxiyey haweeney soo xiratay suunka qaraxyada, iyadoo qaraxa la eegatay gaari ay wateen ciidamada Booliska. Haweeneydan ayay hay’adaha amniga Tunisa sheegeen inaysan ku aqoon argagixisenimo.
Wararkii ugu dabeeyay ayaa sheegay inay qarax ku dhimatay haweeneydii is-miidaamisay, iyadoo ay ku dhaawacmeen 8 askari oo Boolis ah iyo qof shacab ah, waxaana la xiray Wadadda qaraxa ka dhacay.