Saturday, July 5, 2025

Haweeney Ruush ah oo lagu helay inay howlo Basaasnimo ka waday dalka Maraykanka [Sawirro]

Hay’adaha dembi baarista Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogay gabar Ruushka u dhalatay oo 29 jir ah, taasoo lagu eedeeyay inay u basaas u ahayd dowladda Ruushka, iyadoo si weyn u dhex gashay siyaasiyiinta Mareykanka oo xog badan ka ururisay.

Maria Butina ayaa xiriir soke la yeelatay xisbiga jamhuuriga iyo madaxdiisa, waxayna noqotay qof u ololeeya xaqa ay dadku u leeyihiin in ay si sharci ah u haystaan hubka, sida ay qortay warbaahinta dalkaasi oo si weyn u qaadaa dhigtay gabadhan.

Waxaa lagu eedeeyay in ay la shaqaynaysay masuul sare oo ka tirsan xafiiska looga arrimiyo dalka Maraykanka ee Kremlin-ka.

Robert Driscoll oo ah qareenka Butina ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in gabadhan macaamiisha ka midka ah aysan ahayn “basaasad” balse ay tahay ardayad barata xiriirka caalamiga ah ayna doonaysay in ay cilmigeeda ku raadsato xirfad iyo ganacsi.

MARIA BUTINA

Wuxuu intaas ku daray “in laga badbadiyay” dacwadaha lagu soo oogay gabadha isla markaasna “aysan jirin wax muujinaya in Butina ay raadinaysay galaangal ama ay wax u dhinto siyaasad ama sharci gaar ah oo Maraykanku leeyahay”.

Driscoll wuxuu sheegay in gabadhu ay bilooyin dawladda kala shaqaynaysay baaritaannada eedaymaha loo soo jeediyay.

Butina oo ku noolayd Washington ayaa la qabtay Axaddii waxaana xabsiga lagu hayn doonaa tan iyo inta laga dhagaysanayo dacwadeeda Arbacada, sida ay war qoraal ah ku sheegtay Waaxda Caddaaladda ee dalka Maraykanka.

Ku dhawaaqidda xiritaankeeda ayaa timid saacado uun ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu la kulmay dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin, isla markaasna uu Ruuska ka difaacay eedaymaha sheegaya in uu farogaliyay doorashadii madaxweynenimada ee 2016kii.

MARIA BUTINA

Image result for Maria Butina

Image result for Maria Butina

Image result for Maria Butina

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON