Ciidamada ammaanka ayaa xalay gacanta ku soo dhigay koox ay haweeney madax u ahayd, kuwaas oo dadka si qorsheysan ku dhici jiray xaafado ka tirsan Muqdisho.
Kooxdan ayaa ka koobneyd saddex qof oo kala ah haweeney qof weyn ah, wiil ay dhashay iyo darawal gaari ay ku qaraaban jireen u waday oo ah nooca NOAH.
Haweeneydan ayaa la sheegay inay maalin iyo habeen ku howlgeli jirtay gaarigeeda oo maalintii ay dadka xadi jirtay, habeenkiina ay dadka ku dhici jirtay bistoolado macmal ah,
Gaariga ayaa xalay lagu qabtay isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho, waxaana lag helay dhinaca danbe ee gaariga qalab fara badan oo dadka laga dhacay.
Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in gaariga iyo haweeneyda leh oo MAAMA ah muddo lagu daba jiray, ayna ku dooday inay duruuf ku kaliftay dembiga ay ku jirtay.
Gaariga ayuu sheegay in taarkadiisa ay ahayd AD1224, basle wax laga bedelay si aan loo garan, iyadoo tirooyinka qaar xarfo la tirtiray.