Haweeneyda Jeanine Anez oo ahayd guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee dalka Bolivia ayaa sheegtay inay tahay madaxweynaha dalkaasi, kadib markii uu dalkaasi ka cararray madaxweynihii dalkaasi Evo Morales, isagoo megangalyo weydiistay dalka Mexico .
Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Bolivia ayaa taageertay madaxweynenimada KMH ah ee haweeneydan Jeanine Anez, iyadoo uu hore isu casilay guddoomiyihii Aqalka Sare oo ay ahayd inuu madaxweyne KMG ah noqdo ay noqoto madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaasi.
Arrintan ayaa ka dambeysay bannaanbaxyo waaweyn oo hareeyay dalkaasi oo keenay ugu danbeyn inuu dalkaasi isaga cararro madaxweynihii hore, kadib markii shacabka ay diideen natiijadii doorashadii dhowaan dalkaasi ka dhacday.
Jeanine Anez ayaa ka tirsan xisbiga mucaaridka Midigta ugu jira golaha Aqalka sare ee dalkaasi ayaa ku doodeysa inay tahay madaxweynaha dalkaasi ee KMG ah waxayna sheegtay qabanqaabin doonto doorasho cusub oo xor iyo xalaal ah.
XIldhibaannada xisbiga madaxweynihii hore ee dalkaasi isaga tegay Evo Morales ayaa qaadacay sheegashada madaxweynaha ee haweeneyda Jeanine Anez, iyagaoo sheegay inuusan dhammeyn kooramka fadhigii baarlamaanka ee xilkaasi ay ku sheegatay.