Friday, June 27, 2025

Haweeney u xirneyd kiis Alshabaab ku lug lahaayeen oo ku geeriyootay Xabsiga Dhexe

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haweeney ku jirtay xabsiga dhexe ayaa ku dhex geeriyootay.Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Deeqo Dirac ahaa xabsiga ku qaadaneysay 10 sano oo xarig ah iyadoo lagu helay inay gacan ka geysatay kiis naxdin weyn ka dhaliyay magaalada Muqdisho oo dabley Alshabaab ay ku dileen Nafiso Cismaan Salaad oo 20-jir ahayd kana baxday mid ka mida jaamacadaha Muqdisho ku yaalla sanadkii 2014.

Labada njin ee dilka geystay oo kala ahaa Xasan Maxamad  Cabdi iyo Shaafici Cabdi Xirsi ayay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ku fulisay xukun dil ah, iyadoo haweeneydan lagu xukumay xabsi ciidan.

Warar hore u soo baxay ayaa sheegayay in haweeneydan ay ku xanuunsatay xabsiga iyadoo qabtay cudurka kaadi-macaanka, waxaana xaaladeeda ay markii danbe dhalisay inay ku geeriyooto xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON